Fahamka nolosha
Fahanka noloshu waa mawduuc balaadhan oo aan si fudud ereyo iyo kalmado loogu qeexi karin
Waa aragti ku salaysan jirto iyo waaqic uumiyaha illahay abuuray iniba si u aragto in inta nolosha la fahmo laga midha dhaliyo
Mansab , magac iyo maal in la helaa waa Aragtida dadka intooda badani maanta guul iyo faham nololeed u taqaano
Lkn run ahaan xaqiiqadu way ka gun dheertahay oo xeel dheertahay intan
Tusaale ahaan wax kasta oo maanta la sanceeyay waxa la soo raaciya buug kaas oo tusmaynaya qaabka shayga loo isticmaalayo.
wali maka fakartay maxaa ibnu aadam ka haga oo tusmeeya.
Hadii si daggan aynu uga wada fakaro Haa way jirtaa lkn lama fahansana shareecada iyo barashadeedu waa hagaha qofka waliba nolol la noolada ta ugu qurxoon uguna raaxada badan aduunka dushiisa iyo aakhiraba
Alle wuxuu yidhi
(من كان يريد الثواب الدنيا فعند الله الثواب الدنيا والآخرة )
النساء
الثواب
luqo waa noqosho lafdi ahaana waa abaalin
Markale u jeedka iyo maqsadka nolosha illahay wuu inoo cadeeyay oo wuxuu yidhi
(وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون)
Hadaba illahay nolosha tusmadeedi u saxnayd ayuu ina siiyay si tacabka iyo xoogsuga aduunyo uu inoogu dhiirigaliyo waaka le
(وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الْآخِرَةَ ۖ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا ۖ)
Maxaa ina horyaal Hadaba innaga
Waxa ugu weyn ee aragtiyda yar ee gaaban aan is leeyahay nolosha waynu ku wajihi karaa waa
1. Baro naftaada
Inaad nataada barataa waa waxa kuu sahlaya inaad wax ku dhiirato adoo baahi u qaba waxna ka tagto inaad doonis sax yeelato doonis sax ahina waa waxa midha dhal ku siinaya
A. Ogow waxaad haysato ee aduun iyo cilmiyanba
B. Ogow waxa kaa maqan
2. Dhis naftaada
A. Barashadacilmiga diiniga sees uga dhig
B. Baro cilmul maadiga
C. Dadka xidhiidhintooda ku dhis
D. Caafimaadkaa ilaasho
3. Dhigaal iyo dhaqasho yeelo
Waliga ogsoonow waxaad maanta dhigataa barri loo aayyaa la inticfaasada
wakii abwaan lugooyo lahaa
Nin haduu qambool iyo sarcado quule jeerin
Ileyn geed quwaax u baxiyo qariyo saytuun
☝️
ReplyDelete