Waad noqon kartaa
dhamaan noole kasta waxa ku jirta doonis iyo rabitaan mid caqli leh(dadka) iyo midaan caqli lahaynba(xoolaha iyo bahal idaylkiiba) Hadaan doonisi jirin dadku magaadheen oo ma haybsadeen dayaxa oogada kaa muuqda mana sahansadeen oo uma safreen meerayasha qaarkood aynu dhul ahaan kaba yarnahay xayawaanka caqli laawaha ahina safar iyo socdaal dheer uma galeen cunis iyo cabid raadin hadaan doonisi ku jirin ARAR GADAASHEED waxa kula gudboon tashi tabaabushayshi iyo tiiigsi hilaad iyo haybin qoto dheer oo ku salaysan adkaysi aan jixin jixin lahay ibnu aadam waxa lagu lamaaneyay caqabadho oo waxaan tiirooyin lahayn cidina kuma tanaado oo kuma naalooto. hadaba waxkasta oo niyadaada ka guuuxaya waad gaadhi kartaa waxbarasho ,shaqo, lamidoobida lamaane, helida hayn hayntaada maanta ka roon iyo waxkastoo aad uurka ku haysaba waa hadii aad tahay qof yaqaan qofka uu yahay iyo qofka uu jecel yahay masaafada udhaxaysa yaqaana