Posts

Showing posts from March, 2019

DARDAARAN

Image
horyaalnimo ma gaadhoo ma hiigasado asaagii hanadkii is ciilee habasnimada doojaa hanyaraan nin   noolina hanbo weeye laga tagay inkastuu halyeey yahay dad nimaan han yeelani marna hadhac ma jiifsado halkastoo wacnaa iyo inkastuu haldoor yahay nimaan yoolka haybini hadhka labada galiniyo habeenkii nimaan ladin dad nimaan  hurdada nicin nimaan hiifin jiifkoo heegankiyo hubkaba furay siduu rabo inuu helo horaa looga quustoo asaagii ma hiigsado ana aan hal iifuran carmiyow hiigdaashe haye igu macsuuno hadda iga gur sheekada naftu hadhac qabowiyo hogol iyo daruuriyo deegan habooniyo geenyo heego wacanoo asageed hawaystiyo heerar wada sareeyay intaa  haybinaysaa hayaan sahan gardaadshaa taana lagu helaayoo hawl yaraan inaadeer Halna kuma candhaysee maxaa haatan kuu yaal taadu hay danbaysee aan hoorsho taydee hoobaanta iga guro yoolkaan hadoodilay heeryadii ka tuurbaan hadeer talo gooyoo hirdankii alaylkiyo dadkoo hoyday fiid h...