DARDAARAN


horyaalnimo ma gaadhoo
ma hiigasado asaagii
hanadkii is ciilee
habasnimada doojaa
hanyaraan nin   noolina
hanbo weeye laga tagay
inkastuu halyeey yahay
dad nimaan han yeelani
marna hadhac ma jiifsado
halkastoo wacnaa iyo
inkastuu haldoor yahay
nimaan yoolka haybini
hadhka labada galiniyo
habeenkii nimaan ladin
dad nimaan  hurdada nicin
nimaan hiifin jiifkoo
heegankiyo hubkaba furay
siduu rabo inuu helo
horaa looga quustoo
asaagii ma hiigsado
ana aan hal iifuran
carmiyow hiigdaashe
haye igu macsuuno
hadda iga gur sheekada
naftu hadhac qabowiyo
hogol iyo daruuriyo
deegan habooniyo
geenyo heego wacanoo
asageed hawaystiyo
heerar wada sareeyay
intaa  haybinaysaa
hayaan sahan gardaadshaa
taana lagu helaayoo
hawl yaraan inaadeer
Halna kuma candhaysee
maxaa haatan kuu yaal
taadu hay danbaysee
aan hoorsho taydee
hoobaanta iga guro
yoolkaan hadoodilay
heeryadii ka tuurbaan
hadeer talo gooyoo
hirdankii alaylkiyo
dadkoo hoyday fiid hore
habeen loolankii jaan
huluul weheshigeedii
hoggaan furan ka yeelbaan
halaasiga ku goostaye
maxaa haatan kuu yaal
intii aan hormuudkiyo
heegada usaarnaa
balse maanta haabtagay
inaan haad ku dhaafo
hanbaarbiro abraaraan
hanaansho dantaydii
amuuraha habeeyaan
halaasiga ku goostaye
maxaa haatan kuu yaal

Comments

Popular posts from this blog

Waad noqon kartaa

Fahamka nolosha