Posts

Shaqaalle mise loo shaqeeye

Image
Hadii dhamaanteen aynu wada tukaamo  furano cid wax wax inaga iibsata heli mayno. Hadii aynu hal tukaan wada furanana wax wada yeelan kari maynee, maxaynu yeelaa. Waa hubaal oo 90% dadkeeni waa xoog-maal ku foof taga xirfada maalin dagaalka ah ee lagu raadsado quutal daruuriga maalin laha ah hase ahaatee .....

Fahamka nolosha

Image
Fahanka noloshu waa mawduuc balaadhan oo aan si fudud ereyo iyo kalmado loogu qeexi karin Waa aragti ku salaysan jirto iyo waaqic uumiyaha illahay abuuray iniba si u aragto in inta nolosha la fahmo laga midha dhaliyo Mansab , magac iyo maal in la helaa waa Aragtida dadka intooda badani maanta guul iyo faham nololeed u taqaano Lkn run ahaan xaqiiqadu way ka gun dheertahay oo xeel dheertahay intan Tusaale ahaan wax kasta oo maanta la sanceeyay waxa la soo raaciya buug kaas  oo tusmaynaya qaabka shayga loo isticmaalayo. wali maka fakartay maxaa ibnu aadam ka haga oo tusmeeya. Hadii si daggan aynu uga wada fakaro Haa way jirtaa lkn lama fahansana shareecada iyo barashadeedu waa hagaha qofka waliba nolol la noolada ta ugu qurxoon uguna raaxada badan aduunka dushiisa iyo aakhiraba Alle wuxuu yidhi (من كان يريد الثواب الدنيا فعند الله الثواب الدنيا والآخرة )  النساء الثواب   luqo waa noqosho lafdi ahaana waa abaalin Markale u jeedka iyo maqsadka nolosha illahay wu...

DARDAARAN

Image
horyaalnimo ma gaadhoo ma hiigasado asaagii hanadkii is ciilee habasnimada doojaa hanyaraan nin   noolina hanbo weeye laga tagay inkastuu halyeey yahay dad nimaan han yeelani marna hadhac ma jiifsado halkastoo wacnaa iyo inkastuu haldoor yahay nimaan yoolka haybini hadhka labada galiniyo habeenkii nimaan ladin dad nimaan  hurdada nicin nimaan hiifin jiifkoo heegankiyo hubkaba furay siduu rabo inuu helo horaa looga quustoo asaagii ma hiigsado ana aan hal iifuran carmiyow hiigdaashe haye igu macsuuno hadda iga gur sheekada naftu hadhac qabowiyo hogol iyo daruuriyo deegan habooniyo geenyo heego wacanoo asageed hawaystiyo heerar wada sareeyay intaa  haybinaysaa hayaan sahan gardaadshaa taana lagu helaayoo hawl yaraan inaadeer Halna kuma candhaysee maxaa haatan kuu yaal taadu hay danbaysee aan hoorsho taydee hoobaanta iga guro yoolkaan hadoodilay heeryadii ka tuurbaan hadeer talo gooyoo hirdankii alaylkiyo dadkoo hoyday fiid h...

Waad noqon kartaa

Image
dhamaan noole kasta waxa ku jirta doonis iyo rabitaan mid caqli leh(dadka) iyo midaan caqli lahaynba(xoolaha iyo bahal idaylkiiba) Hadaan doonisi jirin dadku magaadheen oo ma haybsadeen dayaxa oogada kaa muuqda mana sahansadeen oo uma safreen meerayasha qaarkood aynu dhul ahaan kaba yarnahay xayawaanka caqli laawaha ahina safar iyo socdaal dheer uma galeen cunis iyo cabid raadin hadaan doonisi ku jirin ARAR GADAASHEED waxa kula gudboon tashi tabaabushayshi iyo tiiigsi hilaad iyo haybin qoto dheer oo ku salaysan adkaysi aan jixin jixin lahay ibnu aadam waxa lagu lamaaneyay caqabadho oo waxaan tiirooyin lahayn cidina kuma tanaado oo kuma naalooto. hadaba waxkasta oo niyadaada ka guuuxaya waad gaadhi kartaa waxbarasho ,shaqo, lamidoobida lamaane, helida hayn hayntaada maanta ka roon iyo waxkastoo aad uurka ku haysaba waa hadii aad tahay qof yaqaan qofka uu yahay iyo qofka uu jecel yahay masaafada udhaxaysa yaqaana
Image
     MAANSOOR HOTEL BERBERA 
Image
UBAD MATAANO AH HIRA PRIMARY SCHOOL 2017
Image
aduunyo waa mid ayaamo badan ninkastaa wixii ujeclaa wuu raadiyay gooobay uu mutay daal badan tani waa sunaha nolosha waana wax iska caadi   ah kuwani waa qaar ka mid ahaa ardaydii dugsiga bursade